SO | EN

SO | EN

Weriye ka tirsan telefishinka Somali Cable oo Muqdisho lagu xeray

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa waxay xalay Muqdisho ku xireen Weriye C/xafiid Nuur oo ah weriye ka tirsan telefishinka Somali Cable ee Muqdisho.

Ciidamo hubeysan oo wata gaadiid ayaa la tilmaamay inay degmada Waaberi xalay ku xireen Weriye C/xafiid Nuur iyadoo aan iyo ilaa haatan la ogayn halka ay geeyeeen weriyeha ciidamada dowladda.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aaddan xariga Weriye C/xafiid iyadoo arintan ay cambaareeyeen bahda saxaafadda iyo telefishinka Somali Cable oo uu ka tirsanaa.

Waxaa jira culuys badan oo soo wajahay weriyaasha ka howlgala warbaahinta madaxa banaan ee soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News