SO | EN

SO | EN

Wiil 8 jir ah oo gaajo ugu geeriyooday Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Wiil sideed jir ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Jamaal Yuusuf Cali ayaa si naxdin leh ugu geeriyooday gaajo ka jirta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qoyska wiilka oo ku nool xero barakacayaal ayaa u sheegay Kaab TV in laga hor istaagay inay warbaahinta la hadlaan.

Markii wariyeyaasha Kaab TV ay booqdeen xerada Mumin ee ku taal degmada Kaxda, waa loo diiday inay gudaha galaan, qoyska wiilka ayaa loo hanjabay in ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo haddii ay wariyeyaasha la hadlaan. Wariyeyaashii Kaab TV ayaa markii dambe goobta ka baxay.

Xabiiba Isaaq Abkow, oo ah hooyada wiilka geeriyooday, ayaa sheegtay inay awoodi weyday xataa inay caano u hesho shaaha madow ee ay siiso wiilkeeda. Nafaqo-xumo ba’an ayaa ugu dambeyntii sababtay geerida wiilkeeda.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda ayaa u sheegay wariyaha Kaab TV in aan loo oggolayn in wareysiyo laga sameeyo ama sawirro laga qaado xerada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan hadda idiin soo gudbineynaa sheekadan si aan u ifino xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Dhanka kale, xilli dhibaatadan ay taagan tahay, xaflado qaali ah ayaa dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Saddex ka mid ah xafladahan waxaa qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyo Wasaaradda Waxbarashada, halka maamulka gobolka Banaadir uu qabtay xaflad wareejin ah oo kharash badan lagu bixiyay hawlo aan muhiim ahayn.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), oo deeqo badan ka heshay hay’ado caalami ah, ayaan weli ka jawaabin su’aalaha aan ka weydiinay kiiskan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News