Muqdisho (Kaab TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo ka dhacday magaalada Muqdisho gaar-ahaan Suuqa xoolaha ee Dayax oo kutaalo deegaanka Gubadely halkaas oo lagu dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Kunciil Kadiye Guure.
Dad goobjoogayaal ah oo Warbaahinta la hadlay ayaa kawar bixiyay sida ay wax u dheceen Wexeyna sheegeen, Askariga dilka geystay ayaa lasheegay in marxuumka uu udilay lacag Nus dollar ah, taas oo uu askariga kusheegay in ay tahy canshuur kadibna uu rasaas kufuray.
“Ninkan ari ayuu watay gaari ayuuna kala soo dagay ninka dilka geytay ayaa ku yiri canshuur iga isii, isna wuxuu ku yiri ariga aan xirto waan ku siinaayaa kadib dhagta ayaa ku xigsatay oo xabadda wuuba ku dhuftay” ayuu yiri oday goobjoog u ahaa dilka dhacay.
Askarigan dilka geystay oo goobta ka baxsaday ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka, kadib howlgal ay ka sameeyeen halkaasi.
Guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley, Cabdullaahi Nuur Kaalibeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa dhankiisa ka hadlay dhacdadaan, wuxuuna xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan eedeysane,Nuur Cabdullaahi Axmed, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda.
Dhanka kale wuxuu intaasi ku daray inuu isku dayay eedeysanaha inuu baxsado, balse ay soo qabteen ciidanka deegaanka, ee Ceel Cirfiid ee gobolka Shabeelaha Dhexe.