SO | EN

SO | EN

Wiil ganacsade ah oo lagu dilay dalka Koonfur Africa iyo faahfaahino kala duwan oo kasoo baxay dilkiisa

|

Cape Town (KAAB TV) – Kooxo burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay deegaanka Gugutethu oo hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxa ay ku dileen muwaadin  Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi oo halkaasi kutaalla.

Sidoo kale, ganacsadaha ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cadaw Maxamuud, ayaa loogu galay goobtiisa ganacsiga kaddibna lagu dilay, burcada hubeysan ayaana la sheegay in dilka kaddib ay dukaanka ka qaateen lacago iyo agabyo kale oo fudud.

Dhanka kale, ciidamada boliiska dalka Koonfur Afrika ayaa dilka kaddib goobtaasi gaaray, waxa ayna sheegeen saraakiisha ciidanka hoggaamineysay in ay wadana baaritaanno dilkan ku aadan ayna soo qaban doonaan burcada dilka fulisay.

Sikastaba, dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ganacsiyada ku leh, mana jiraan tillaabooyin dowladda South Afrika qaaday oo wax looga qabanayo dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News