Muqdisho (Kaab TV)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Janaraal Muhoozi oo ah La-Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida geesimanada leh ey ugu qeyb qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wafdigaan u sheegay caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dooneyso dowladda Soomaaliya in laga garab istaago, si ay ugu guuleysto halganka xoreynta ah.
Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi fariin uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo halis ku ah xasilloonida iyo horumarka dalka.
Sarkaalkaan waxaa Aabihiis ah Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waa shaqsiga kaliya uu sida saaidka ah uu ugu kalsoonyahy, Yoweri Museveni.
Sidoo kale dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyay wafdiga Uganda sida ay dalka uga socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hasayeeshee, Safarkaan uu dalka ku yimid la taliyaha dhanka howlgallada ee madaxweynaha Uganda, wuxuu ku soo beegmayaa maalmo kadib, markii ciidanka Uganda lagu weeraray xerada ey kuleeyihiin Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay ciidankii ugu badnaa loogu laayay dowladda Uganda.