Nairobi (Kaab TV) – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya ayaa soo saaray dalab ka dhan Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro khasaare geysta iyo qaraxyo oo ay kafuliyaan gudaha dalka Kenya.
Ruto ayaa ka qeyb galay shir madaxeedkii kadhacay dalka Kampala kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ay ciidamada kajoogaan Soomaaliya.
Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa asna dhankiisa bogaadiyay in lasoo afjaro Al-Shabaab iyo amni darada kajirta geeska Africa.
William Ruto ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ciidamada ATMIS ee howl-galka Midowga Africa wuxuuna tilmaamay in ay guul weyn kagaareyn hadafkooda xasilinta Soomaaliya ayuu yiri madaxweyne William Ruto.
Dhanka kale madaxweynaha Kenya ayaa ayaa hoosta kaxariiqay muhiiimada ay leedahay in diirada lasaaro sidii loo heli lahaa dhaqaale iyo sidii loo taageeri lahaa ATMIS kadib markii ay soo wajahday mushaar la’aan oo uu Midowga Yurub uu jartay 60 milyan oo dollar oo uu siin jiray sanad walba taas oo culeys ween ku keentay howl-galka ATMIS.
Sikastaba Kenya ayaa kamid ah dalalka qeybta ka ah howl-galka ATMIS waxayna si gaar ah ugu howl-galaan ciidamadooda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.