NAIROBI (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa muujiyay cabsida laga qabo in Al-shabaab ay la wareegaan Soomaaliya marka ay ka baxaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, isagoo xusay in loo baahan yahay dib u eegis ku habboon ka hor inta aysan dalka ka bixin howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay booqashadiisa Mareykanka Talaadadii, Ruto ayaa codsaday in dowladda Mareykanka ay arrinta soo faragaliso si loo xoojiyo ammaanka gobolka.
Ruto ayaa kashifay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ay wada qaateen kulan ay labadooduba walaac uga muujiyeen ka bixitaanka ciidamada ATMIS.
Sidoo kale, Ruto ayaa shaaca ka qaaday in ka bixitaanka ciidamada ay salka ku heyso gabagabada jadwalka hore loo dejiyay oo aan ku dhisneyn xaaladaha dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.
“Maanta, Kenya waxay dusha u ridaneysaa caqabadaha amni ee Geeska Afrika. Kahor intaanan Sabtida imaan halkan, waxaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaana na haysta caqabado amni oo halis ah sababtoo ah waxaa soo socda dhimista ATMIS kaas oo ku saleysan jadwalka, ee aan ku saleysneyn xaaladda jirta,” ayuu yiri Ruto.
Ruto ayaa sidoo kale muujiyay sida uu u aaminsan yahay in isbeddel iman karo haddii Dowladda Mareykanka ay arrinta soo farageliso.
“Mowqifkayagu waa in Maraykanku uu arrintan soo dhexgalo oo uu beddelo jihada loo marayo. Haddii kale, waxay ka bixi doonaan ciidamada ATMIS Soomaaliya, argagixisaduna way qabsan doontaa Soomaaliya. Uma maleynayo inay taasi qofna dani ugu jirto,” ayuu yiri Ruto.
XAALADDA CAKIRAN
Si kastaba ha ahaatee ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa waayadan dambe waxaa hareeyay jahwareer.
5-tii May, Dowladda Soomaaliya waxay warqad u qortay Qaramada Midoobay waxayna ka codsatay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo howlgalka Qaramada Midoobay ee UNSOM oo ah kan taageerada dhaqaale loo marsiiyo ATMIS.
Arrinta xiisaha leh ayaa ah in arrintan loo arkay mid la yaab ku ah beesha caalamka maadaama ay Soomaaliya codsatay in la kordhiyo howlgalka.
Warqadda ka dib, Xoghayaha Difaaca Kenya, Aden Duale iyo Michael Hammer, Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa 9-kii May yeeshay kulan muhiim ah oo lagu jaan-gooyay dariiqa loo mari karo.
“Kulanku waxa uu si gaar ah uga tashanayey hab-socodka amniga Soomaaliya ATMIS kadib. Waxay la xiriirtay ilaalinta nabadda iyo amniga, iyada oo ay muddo dheer ka go’an tahay nabad-ilaalinta iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Ducaale.