Muqdisho (Kaab TV)– Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dab xoogan oo xalay sadqii dhexe ka kacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Dabka oo geystay khasaare hantiyeed oo xoogleh ayaa ka kacay guryo ku yaalla xaafadda Kalluunka oo ku dhow xeyndaabka xarada Xalane ama garoonka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in goor dambe lagu guuleystay daminta dabkan, kadib gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka iyo gaadiidka dab-damiska ee maamulka gobolka Banaadir.
Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Kaab TV ayaa shaaca ka qaaday in dabkaan uu khasaare culus kasoo gaaray qoysas dan-yar ah oo ku nool xaafaddaasi.
Horta hanti ma koobi karno dad masaakiin ah ayey u badnaayeen oo ilmahooda la xoogsada, koley waxay cuni lahaayeen, waxay cabi lahaayeen, waxa ay xiran lahaayeen iyo wax ay koglan lahaayeen waxa uga baxay malaha” ayey tiri hooyo daggan Kalluunka.
Sidoo kale wiil kamid ah dadka deegaanka isna hadlay ayaa sheegay inay gubteen ugu yaraan illaa afar guri, isla-markaana uu dabka ka dhashay Koronto.