SO | EN

SO | EN

Xaafadda Siinaay ee Muqdisho oo qarka u saaran inuu ka qarxo Dagaal xoogan.

|

Muqdisho (KAAB TV) – xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay maalmahaan ka taagneyd xiisad la xiriirta dhulka oo ay isku hayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaka suuqa uu tegay Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo wata ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, waxaana uu gudaha u galay suuqa, halkaas oo ay haatan ka taagan tahay xiisad culus.

Yaasiin Fareey ayaa doonaya inuu difaaco dhulkaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah, isla markaana maalmahaan ka cabanayay dhul boob ay sheegeen in lagu hayo suuqa.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana sidoo kale bannaanka suuqa iyana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaas ka wada abaabul xooggan.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo goobta, waxaana haawana suuqa, iyada oo ay joogaan ciidamo iska soo horjeedo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News