SO | EN

Xaalad cakirnaan oo ka taagan Beyruut, Israaiil oo isu diyaarineysa jawaabta weerarkii Iiraan

|

BEYRUUT (KAAB TV) – Xaalad cakirnaan ah ayaa ka jirta magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, halkaasoo weeraro duqeyn ay ka geysanayaan ciidamada Israaiil muddo ka badan afar toddobaad.

Mas’uuliyiinta Lubnaan iyo kuwa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaalad bani’aadannimo oo qalafsan ay soo wajahday dadka reer Lubnaan, waxayna sheegayaan in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay sii kordhayaan maalin kasta.

Madaxa UNICEF ee Lubnaan, Ettie Higgins ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay ku soo dheceen meel 1km u jirta xafiiska hay’adda UNICEF ee Beyruut.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in dad gaaraya 2,169 ay dhinteen tan iyo markii duqeymaha Israa’iil ay bilawdeen.

ISRAA’IIL OO ISU DIYAARINEYSA WEERAR

Israa’iil ayaa sheegtay inay ka fekersyso sidii ay jawaab uga bixin lahayd weerarkii gantaalaha ballistikada ee Iiraan ay ku soo qaaday Israa’iil toddobaad kahor.

Saraakiil ciidan oo Israa’iil ayaa sheegay inay wadaan diyaargarow sidii ay jawaab u siin lahaayeen Iiraan.

In ku dhow 200 gantaalaha balistikada ayay Iiiraan ku soo tuurtay gudaha Israa’iil, kuwaa oo la sheegayo inay qaarkood ka gudbeen habka difaaca cirka ee Israa’iil ayna ku dheceen xarumo ciidanka cirka Israa’iil.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadineysa Israa’iil inay ka fogaato weerar ay ku qaado goobaha xasaasiga ee Iiraan sida goobaha nukliyeerka iyo shidaalka ee Iiraan.

Ameerikaanka ayaa u arka duqeymo loo geysto goobahan inay sii kordhin karto carada Iiraan ayna sii horseedi karto colaadda gobolka Bariga Dhexe inay sii adkaato.

Mareykanka ayaa la sheegay inay lacago u ballanqaadeen Israa’iil haddii ay iska dhaafto weerarka Iiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News