MUQDISHO(KAAB TV)- Xiisada u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo dadka degan xarunta dab damiska ee magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo laga cabsi qabo in uu biri uu dhaco iska hor imaad ka dhasha dadka rayidka ah oo diiday inay u hogaansamaan amarka dowladda ee ah in dhulkaasi ay baneeyaan.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore ku dhawaaqay in dhulkan looga faa’ideysanayo danta guud, iyadoo muddo 25-ka bishan Janaayo u qabtay dadka deegaanka inay ka guuraan dhulkaasi, taasi oo aan dhicin. Wakhtiga kama dambaysta ah ayaa la kordhiyey ilaa 1-da Febraayo iyada oo aan wax saameyn ah ku yeelan. Digniin seddexaad oo la sheegay in ay tahay digniintii ugu dambeysay ayaa la soo saaray, iyadoo waqtiga loo qabtay uu ku eg yahay berri oo Sabti ah.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah. ayaa muujiyay diidmo adag oo ah inay banneeyaan dhulka, iyagoo sabab uga dhigaya hubanti la’aan ku saabsan guryaha ay degenyihiin.
“Ma garanayno meel aan u guuro, deegaankan waxaan ku noolaa in ka badan 15 sano, waxaana hadda ka tagay guri la’aan, ma garanayo meel aan geeyo carruurtayda,” ayay tiri hooyo. Kuwo kalena waxay wacad ku mareen inay iska caabinayaan dadaallada ka saarista booliska.
Isagoo arrintaasi ka jawaabaya, waxa uu Afhayeenka Ciidanka Booliska ku booriyey dadka deegaanka inay si nabadgelyo ah uga guuraan xarunta Ciidanka Dab-demiska, isagoo ku nuux-nuuxsaday in dhulkaasi uu yahay mid faa’iido u leh.