MUQDISHO (Baraarug) – Xaaladda dhallinyarada ku nool Muqdisho ayaa maanta wajahaysa caqabado badan oo isbiirsaday, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dowladnimo daciif ah, qabyaalad, shaqo-la’aan iyo amni-darro. Arrimahan ayaa si weyn u saameeyay mustaqbalka iyo rajada dhallinyarada, iyaga oo ku riixaya niyad-jab iyo quus.
Sucaad, oo ah gabar dhallinyaro ah kana mid ah ardayda jaamacadaha Muqdisho, ayaa u sheegtay Baraarug in amni darrada iyo colaadaha ku saleysan qabiilka ay si toos ah u wiiqeen fursadaha ay heli lahaayeen dhallinyarada. Waxay tilmaantay in jawiga amni ee aan degganeyn uu caqabad ku noqday waxbarashada, shaqo helista, iyo guud ahaan horumarka dhalinyarada.
Waxaa sidoo kale sii kordhaya dilalka sabab la’aanta ah ee lagu beegsanayo dhallinyarada, gaar ahaan bajaajleyda, kuwaas oo ah laf-dhabarta dhaqdhaqaaqa nolol maalmeedka magaalada. Dilalkan ayaa sii xoojiyay cabsi iyo niyad-jab ku fidaya dhallinyarada ku nool caasimadda.
Sucaad waxay xustay in isbeddel dhab ah loo baahan yahay, iyadoo ku talisay in dowladda ay kordhiso ka-qaybgalka dhallinyarada ee shaqooyinka dowladda si loo dhiirrigeliyo kartidooda loona yareeyo shaqo-la’aanta.
Gabagabadii, waxay fariin u dirtay dhallinyarada, iyadoo ku boorrisay inay is-aaminaan, iskuna tashadaan, isla markaana qaadaan tallaabooyin horseedi kara isbeddel iyo guul mustaqbalka.

