Gaza (KAAB TV ) – Xaaladda Cunno la’aanta ay sababta u tahay Xukuumadda Israaiil maadaama ay go’doomisay Magaalada Gaza ayaa kasii daraysa waxaana lasoo warinayaa in Dad u badan Carruur iyo kuwo Da’ ah ay u dhinteen xaaladdaas.
Dadkaan oo isugu darsantay gaajo, biyo la’aan, daryeelka Caafimaad oo aad ugu liito iyo Amni darrada ay sababta u tahay Israaiil ayaa markaan u muuqda in ay gaareen meeshii ugu dambaysay mar haddiiba ay u dhimanayaan cunno la’aan.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Magaalada Gaza in aanay muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay waxa keliya muuqdana ay tahay in Israaiil ay dagaalkeeda u adeegsanayso dhinaca cunnada.
Qaramada Midoobay, Waddamada Islaamka iyo dhinacyadii inta badan sheeganayay in ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka caynkani oo kale ah ayaa marqaadi aamusan ka ah maadaama aanay lahadli Karin ciidanka Yuhuudda ee gargaarka hortaagan.
Khubaro dhinaca caafimaadka ah ayaa sheegay in xaaladdaan cunno la’aanta haddii ay sii jirto in Dadku ay u geeriyoon doonaan Tarab-tarab balse qorshaha keliya looga hortagi musiibadaas ay tahay in Gargaarka ay u baahan yihiin loo fasaxo.