MUQDISHO (Kaab TV) -Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Ascad Maxamuud Yuusuf, oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Kormeerka Xuduudaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib markii lagu eedeeyay falal la xiriira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, kuna socotay Taliyaha Booliiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa lagu sheegay in Ascad Maxamuud Yuusuf loo haysto gal-dacwadeed lambarkiisu yahay G-1244/2026, kaas oo la xiriira dambiyada tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka. Warqaddu waxay xustay in tallaabadaasi ku saleysan tahay qodobbada khuseeya Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo shuruucda kale ee dalka.
Sida ku cad warqadda, baaritaanka waxaa qayb ka ah dacwooyin ay gudbiyeen saddex haween ah oo kala ah Ayaan Cabdullaahi Cali, Khadiijo Daahir Rooble iyo Falis Muumin Maxamed, kuwaas oo sheegay in laga qaaday baasaboorradoodii, isla markaana lagu marin habaabiyay ballanqaadyo la xiriiray safarro dibadda ah oo ay ku tilmaameen tahriib.
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale xusay in 17-kii Juun 2026 Ascad Maxamuud Yuusuf loo diray warqad soo-wareejin ah oo lagu amray inuu xafiiska horgeeyo baasaboorrada dadka ay dacwaduhu quseeyaan, balse uusan fulin amarkaasi.
Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in mar kale loogu yeeray xafiiska si uu uga jawaabo eedeymaha loo jeediyay, hase yeeshee uu ka baaqsaday inuu soo xaadiro.
Warqaddu waxay faraysaa Taliyaha Booliiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde inuu si degdeg ah u fuliyo amarka lagu soo xirayo Ascad Maxamuud Yuusuf, isla markaana loo horkeeno Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, Waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu wajahayo eedeymo kale oo ku saleysan qodobbada 264, 285 iyo 505 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.


