SO | EN

SO | EN

Xafladda 8-Sano Guuradii Aas-aaska Hirshabelle oo Lagu Qabtay Finland

|

ESPOO (KAAB TV) – Xafladda lagu xusayay 8 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska maamul goboleedka Hirshabelle ayaa ka dhacday magaalada Espoo ee dalka Finland.

Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen jaaliyadda Hirshabelle ee Finland, waxaa ka soo qeyb galay qaybo kala duwan oo ka tirsan bulshada iyo hoggaanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland.

Axmed, oo ka mid ah hoggaanka, ayaa sheegay in Hirshabelle, oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada, ay u baahan tahay taageero joogto ah.

Sidoo kale, wuxuu maamulka Hirshabelle ugu hambalyeeyay sanad guuradooda 8-aad.

Intii xafladda lagu guda jiray, waxaa hadallo ka jeediyay Nabadoon Malaaq Ismaaciil Axmed, siyaasiga Axmed Xasan Nuur, Guddoomiyaha isboortiga qaaradda Yurub Cabdulqaadir Qooje, Hanad Boqor Ismaaciil Boqor Kinkon, iyo Cabdisalaan Sheekh Sheekh oo ka socday maamulka Koonfur Galbeed. Mas’uuliyiin kale oo muhiim ah ayaa sidoo kale ka hadlay xafladda.

Waxaa intaas dheer, safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Finland ayaa ka mid ahaa dadkii goobjoogga ka ahaa xafladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News