SO | EN

Xal waan ka gaari weynay dhammaan qodobadii aan ka doodnay – Sharif Sheikh Ahmed

|

NAIROBI (KAAB TV0 – Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ka badbaaday dabin uu soo maleegay Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markuu Sheekh Shariif soo saaray war saxaafadeed uu ku bayaaminaayo shirkii ka dhacay magaalada Nairobi habeen hore.

Shirka labada dhinac oo ay soo qabanqaabiyeen odayaasha beelaha Mudulood ayaa ujeedkiisu ahaa in la isugu keeno Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, sida ay Kaab TV u sheegeen ilaha ku dhow kulanka.

Doodda ayaase ahayd arrimaha siyaasadda iyo khilaafka ka taagan beddelidda dastuurka.

Hase ahaatee, waxaa ka hor kulanka la faafiyay in Xasan Sheekh qab qabiil ula heshiiyay Sheekh Shariif, iyo in hoggaamiyaasha mucaaradka ay kala jabeen, taasoo aan jirin.

War Saxaafadeed – Sheikh Sharif.

War Saxaafadeedka Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo sida muuqata ka daba tagay wararka baraha bulshada ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku sheegayo waxyaabihii uu kala hadlay Xasan Sheekh iyo guul darrada uu ku dhammaaday kulanka.

“Aniga kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, kuwaasoo kala ah saddexda arrimood ee hoos ku qoran,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

1. Arrimaha dastuurka
2. Arrimaha Siyaasadda iyo Mustaqbalka Dalka
3. Khilaafka DFS iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

“Dood dheer ka dib, xal waan ka gaari weynay dhammaan qodobadii aan ka doodnay,” ayuu ku yiri war saxaafadeedka Sheekh Shariif.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News