SO | EN

SO | EN

Xamaas oo fariinta Ciidul Fidriga u dirtay Falastiiniyiinta.

|

GAZA (KAAB TV)-Bayaan ka soo baxay xamaas  oo ku asteysan dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa Xamaas waxay ugu hambalyeysay Falastiiniyiinta ku nool Gaza sida ay ugu xooggan yihiin iyo sida ay ugu dhabar adeygeen lix bilood oo Israa’iil ay weerar ku heyso dhulkas.

“Waxaan xaqiijineynaa in dadkayaga … ee ku nool Daanta Galbeed, Jerusalem, Falastiin [taariikhiga ah] ee la haysto, iyo xeryaha barakaca ee adduunka, ay u taagan yihiin midnimada annaga iyo dadkayaga Gaza,” kooxda maamusha Marinka gaza  ayaa sidaas  tiri .

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka imaanshaha Ciidul Fidriga,” aya lagu yiri bayaanka,

Waxaan rajeyneynaa  taageerada dhabta ah ay sii socoto inay sii kororto qadiyadda Falastiin iyo ujeedada soo afjarida gumeysiga Israel.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News