GAZA(KAAB TV)- Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay aqbashay soo jeedinta Masar iyo Qatar ee xabbad joojinta si loo joojiyo dagaalka toddobada bilood ah ee Israa’iil kula jira Gaza, saacado ka dib markii Israa’iil ay amar ku bixisay in Falastiiniyiinta ay bilaabaan inay ka baxaan magaalada koonfureed ee Rafah.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku aadan heshiiska, iyadoo aan weli faah faahin laga bixin hindisaha.
Maalmihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Masar iyo Xamaas waxay sheegeen in xabbad joojintu ay dhici doonto heerar kala duwan oo ay Xamaas sii deyn doonto la haystayaasha ay gacanta ku hayso si ay uga bedesho dib u gurashada ciidammada Israa’iil ee Gaza.
Ma cadda in heshiiskani uu buuxin doono dalabka muhiimka ah ee Xamaas ee ah in la soo afjaro dagaalka iyo in Israa’iil ay ka baxdo.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hogaamiyaha ugu sareeya Ismaciil Haniyeh uu warkan ku sheegay mar uu khadka taleefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha Qatar iyo wasiirka sirdoonka Masar. Ka dib markii la sii daayay bayaanka, Falastiiniyiintu waxa ay si weyn uga qayliyeen xerooyinka teendhooyinka ee ku hareeraysan Rafah, iyaga oo rajaynaya in heshiisku uu la macno yahay in la baajiyay weerar ay Israa’iil soo qaaday.
Xulafada ugu dhow ee Israel oo uu ku jiro Maraykanka ayaa marar badan ku celceliyay in Israel aysan weerarin Rafah. Hawlgalka soo socda ayaa kiciyay qeylo dhaan caalami ah oo ku saabsan masiirka ilaa 1.4 milyan oo falastiiniyiin ah oo halkaas gabaad ka dhiganaya.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in weerarku uu uga sii dari doono masiibada bini’aadantinimo ee Qaza oo keeni doonta dhimashada dad badan oo rayid ah olole Israa’iil oo baabi’isay dhulkeeda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankana ay ku dishay in ka badan 34,000 oo qof.
Israa’iil ayaa weerarkeeda ku qaaday Qaza ka dib markii Xamaas ay hogamisay weerar lagu qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oct, kaas oo lagu dilay 1,200 oo qof in ka badan 250 kalena la qafaashay, marka loo eego tirada dawladda.

