SO | EN

SO | EN

Xamaas oo ugu dambeyn ogolaatay in xabad joojin kadhaqan gasho Gaza

|

Gaza (KAAB TV) – Xamaas ayaa muujisay surtagalnimada heshiis xabbad-joojin ah oo la gaaro xaalada kataagan magaalada Gaza, kaddib markii ay Israa’iil oggalaatay isbeddelo ay ku sameysay soo jeedinteeda oo lagu aqbalay inta badan doonista Xamaas iyo wada-hadallo laga yeesho soo afjarida dagaalka.

Inta badan hoggaamiyayaasha Carabta, ayaa shalay telefoon kula hadlay madaxa siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniya, si loo gaaro horumar la xiriira wada-hadallada xabbad-joojinta.

Sidoo kale, Ismaaciil Haniyah ayaa u sheegay madaxa sirdoonka Masar, Cabbaas Kamel inay Xamaas tixgelinayso soo jeedinta heshiiska xabbad-joojinta, markaa oo uu muujiyay dareen wanaagsan, sida lagu sheegay war ay baahisay Xamaas oo intaa ku daray in wafdi ka socda ururka uu tagi doono Qaahira , si wada-xaajoodyada u furmaan.

Dhinaca, Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray munaafaqnimada madaxda reer galbeedka ee ku aadan xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ka socda marinka Qasa,isagoo markaa caddeeyay in Turkiga uu “xasuuqii ay Israa’iil ka geysatay Qasa ka dhigay ajandaha ugu sarreeya ee ajandayaasha caalamiga ah.

Ugudambeyn, Turkiga ayaa qaaday tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil, waxaa maanta si dhammeystiran loo joojiyay ganacsiga uu Turkiga u dhoofin jiray Israa’iil iyo midkii uga imaan jiray, sida ay ku dhawaaqday wasaaradda ganacsiga , sidoo kale wuxuu Turkiga ku biiray dacwada ka dhanka ah Israa’iil ee Koonfur Afrika ay u gudbisay maxkamadda caddaalada.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News