SO | EN

SO | EN

Xamaaz oo shuruud kuxirtay sii deysmada 55 qof oo laheystayaal ah

|

New York (KAAB TV) – Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inuu fashil ku yimid qorshe shalay oo Isniin ahayd lagu sii dayn lahaa la-haystayaal shisheeye ah oo ururka Xamaas gacanta ku hayaan.

Sidoo kale, Cadadkii shalay ee Wargeyska ayaa waxa lagu xusay inay Dagaalamayaasha Xamaas shuruud ku xireen inay sii daayaan 55 qof oo shisheeye ah, kuwaasi oo qeyb ka ah dadka la-haystayaasha lagu hayo magaalladda go’doonsan ee Qasa.

Dhanka kale, Xamaas waxay dalbadeen shuruud ku aadan in Marinka Qasa la gaarsiiyo shidaalka oo ay dadka Reer Falastiin baahi weyn u qabaan xilligan, inkastoo ay maamulayaasha Israel horey u mamnuuceen in shidaal loo gudbiyo magaalladda Qasa ee go’doonsan iyo guud ahaan deegaannada Marinka Qasa.

Heshiiska lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha oo dhammaantooda haysta baasabooro aan ahayn kan Israel ayaa la filayey in shalay la soo gebegebeeyo iyo in lagu wareejiyo saraakiisha ururka Laanqeyrta Cas (ICRC) ee ku sugan magaallada Khaan Yoonis ee Koonfurta Qasa.

Shabakada Wararka Israel ee i24News ayaa qortay xog ku aadan inay Diyaaradaha dagaalka Israel si KMG ah shalay u joojiyeen duqeymihii ay ku hayeen Qasa, si koox ka socota Ururka Laanqeyrta Cas ee ICRC loogu oggolaado inay si nabad ah ku gaaraan barta lagu wareejin lahaa la-haystayaasha ay Ururka Xamaas sii dayn lahaayeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News