Muqdisho (Kaab TV) – R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday isku dhacyadii nasiib darrada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland.
R/Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.
“Waxaan ku baaqayaa in wax kasta laga wadahadlo, waxaan hubaa in jidkaas uu ka natiijo fiican yahay gacan ka hadalka, Soomaali xiiso uma qabto xabad la isku rido,” ayuu yiri R/Wasaaraha XFS.
“Isimada, dhaqanka iyo ururrada bulshada ee deegaanada Puntland waxaan ugu baaqayaa in sidii lagu yaqaanayba ay ku baxaan dagaalka oo nabad ka dhaliyaan Puntland, miiska wadahadalkana ay isugu geeyaan dhinacyada is haya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
“Jiritaanka Puntland waa nabadda Soomaaliya, Puntland wa astaanta dowladnimada dalkaan, wadajirka iyo xoojinta jiritaanka Puntland waa aas-aaska dhismaha Soomaaliya, waxaan codsanayaa in la soo afjaro wax kasta oo khilaaf ah,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.
Dagaalka ayaa looga soo horjeeday talaabadii maanta xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Xamse Cabdi Barre wuxuu dhinacyada is haya kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaqanka kala dambeynta ee Puntland ka soo jiray sanadaha badan.