SO | EN

SO | EN

Xamse Cabdi Barre oo xariga kajaray waddooyin cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laga hirgaliyay gudaha caasimadda ee Muqdisho.

Wadadan ayaa laga hirgeliyey Degmada Garasbaaley ee Gobolka Banaadir, iyadoo fududueyn doonta isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale, Waddadan oo lagu magacaabo Macaani, ayaa lagu dhisay canshuurta laga qaado bulshada ku nool gobolka banaadir, taasoo qayb ah qorshaha horumarinta caasimadda ee dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Xamse Cabdi Barre, ayaa sidoo kale isla saaka xarigga ka jaray waddada Via Uganda ee ka baxda Isgoyska dabka tagtana Dekkada Muqdisho, taasoo dhex marta degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Dhanka kale, waxa uu dhagax-dhigay waddada isku xirta Dabka illaa isgoyska Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag, taasoo dib-u-dhis lagu sameynayo mar kale, kaddib markii ay  burburiyeen roobabkii dhowaanahan ka da’ayey Muqdisho.

Ugudambeyn  Waxaa  munaasabada xarig jarka kasoo qeyb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, masuuliyiin heerar kala duwan leh iyo qeybaha bulshada degmada Garasbaaley.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News