Laascaanood (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ummadeed oo taabba-gal ah.
Sidoo kale, Xamse ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey horumar dhinacyo badan leh oo dhanka dowlad-dhiska iyo maamul-daadejinta ah, taas oo sababtay in maanta mashaaric badan laga hirgaliyo magaalada Laascaanood.
“Waxaan cadeynayaa in dadka deegaannada SSC-khaatumo ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u baahannahay in la adkeeyo minimida iyo nabadda oo rukun adag u ah dowladnimda, waxaan idinku adkeynayaa in aad nabadda u ilaalisaan sida aad Calankeenna u ilaaliseen, waxaan u baahannahay nabad, horumar iyo in la hirgaliyo doorashooyin madax-bannaan oo ka qabsoonta guud ahaan dalka, waxaan ballan-qaadayaa in Maamulka SSC-Khaatumo uu heli doono adeeg dowladeed oo dhamaystiran”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Dhanka kale, Xamse ayaa sheegay in ay Maamulka SSC-Khaatumo iyo shacabka deegaanku ay heli doonnaan adeegyada hey’addaha dowlada ee muhiimka ah si loo daadajiyo maamulka dowladda.