SO | EN

SO | EN

Xamse oo xilalka u kala wareejiyay Wasiiradii uu xilka ka qaaday iyo kuwa uu magacaabay

|

Muqdisho (KAAB) – R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda,  Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Xamze  ayaa sidoo kale xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cilmi Ibraahim, wasiirkii wasaaradaasi laga bedelay Biixi Iimaan Cige.

R/Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiiradda cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ay uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay, iyadoo la waafajinayo qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa sidoo kale aad u boggaadiyay shaqaalaha wasaaradda, isaga oo sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen muddada uu joogay xafiiska.

“Waxa aan u rajeynaynaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda guul iyo in Allaah SWT u fududeeyo masuuliyada culus. Dadaalka loogu jiro horumarka dalka waxa aan ka sii wadi doonaa dhankayga intii awooodeyda ah” ayuu mar kale warkan qoraalka ku yiri Dr. Cilmi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo beesha uu kasoo jeedo wasiirka ay ka hortimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo sheegtay inay ku weysay kursigii ay ku laheyd dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News