SO | EN

SO | EN

Xamse: Shirka Madasha wuu socdaa, madaxda qaarkood waxay ku jiraan wada tashiyo muhiim ah

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Iyadoo uu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) isaga baxay shirka Madasha, taasoo ka dhigeysa shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada mid fashilmay, ayaa haddana caawa R’aisul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in shirku weli socdo.

Muuqaal kooban oo lasoo jarjaray, ayna duubeen hawl-wadeennada Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayuu Xamse ku sheegay in “madaxda qaar ay u baahdeen wada tashiyo” sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in war saxaafadeed lasoo saari doono markay madaxda ku maqan qada tashiyada ay soo dhameystaan la tashigooda.

Xamse ma sheegin xilliga uu shirka dhammaan doono, ama lasoo saari doono war murtiyeedka uu sheegay inuu soo bixi doono.

Sidoo kale kama hadlin, haba yaraatee, bixitaanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo saaka iyo xalay ay jireen warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland la carqaladeeyay safarkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka dhoofay garoonka Muqdisho isagoo ay galbinayaan xildhibaanno tiro badan, kuwaas oo sida la sheegay usoo gurmaday markii ay maqleen in Dowladda Federaalka ay isku dayday inay xayirto safarka Axmed Madoobe uu kaga dhoofayay Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News