SO | EN

SO | EN

Xamze Cabdi Barre oo lakulmay Xoghaye Antony Blinken

|

New York (KAAB TV) – R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, oo magaalada New Yourk kaga qeyb galaya shirka guud ee golaha Qaramada Midoobay, ayaa halkaasi kula kulmay madax kala duwan.

Sidoo kale, Xamze Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

R/Wasaare Xamze Barre ayaa sidoo kale kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa sidoo kale la filayaa R/Wasaaraha Soomaaliya in madax kale oo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ka qeyb galeyso kula kulmo magaalada New Yourk kalana hadlo xaalada Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News