SO | EN

SO | EN

Xamze muxuu kusoo arkay maanta xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha?

|

Muqdisho (KAAB) – R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaasoo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay’adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa R/Wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Ugu dambeyntii, R/Wasaaraha ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo, isla markaana ah halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taasoo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News