Muqdisho (KAAB) – R/Wasaare Xamze Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna, ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Caasimaddu uu horseeday in xalay ay degmada Yaaqshiid ku qabsoonto munaasabaddan.
“in aan saacaddan joogno degmada Yaaqshiid waxay ka tarjumaysaa isbaddelka amniga caasimadda waxaan ku soconnaa jidkii guusha gaar ahaan reer Muqdiisho, waxaa muuqata yididiilo in cabsida Al-Shabaab ey ka baxday quluubteenna haddaan rabno Al-Shabaab in aan ka guuleysano waa in aan qalbigeena ka saarnaa cabsidooda iyo Jacaylkooda.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamze.
R/Wasaaraha ayaa sheegay in dalkeenna muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida.
R/Wasaare Xamze ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaalad, waxa uuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-galbeed, iyadoo uu xusay in doorka ugu muhiimsan ee nabadda ay leeyihiin Odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalkeenna, xilliyadii burburka.