SO | EN

SO | EN

Xamse oo la kulmay Affey xilli amni darida ay hortaagan tahay soo laabashada qoxootiga

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa  Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga QM ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Xamse iyo Danjire Affey ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, iyo sidii daruufahooda nololeed loo hagaajin lahaa.

Dhanka kale, Ra’isul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadan daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageeradooda.

Xafiiska Xamse ayaa shaaciyay in Danjire Affey uu dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo celin lahaa amni iyo xasillooni, taas oo wax weyn ka tareysa xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalka ku nool.

Qoxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ayaa ku sugan dalka Kenya, halkaasoo xaaladda nololeed ay sii liidaneyso ka dib markii la jaray gargaarkii cunnada ee ay heli jireen dadka qoxootiga ah.

Dhowr jeer ayey dowladda Kenya dalbatay in qoxootiga Soomaalida dalkooda lagu celiyo, balse waxaa illaa haatan ay caqabad ka taagan tahay xaaladda amni darida ee kasii dareysa ee ka jirta gudaha Soomaaliya.

Weerarada argagixisada, qaraxyada iyo amni darida oo ay mararka qaar qeyb ka yihiin maleeshiyaadka dowladda ayaa la rumeysan yahay inay tahay sababta ugu weyn ee hortaagan dib u soo laabashada qoxootiga Soomaaliyeed.

Weerarkii bishii June lagu qaaday maqaayadda Pearl Beach ee xeebta Liido ee Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 18 ruux oo ay ku jirtay gabar ka tirsan dadka dhowaan uun kasoo laabtay qoxootiga Kenya taasoo u shaqeyneysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Sii socoshada weerarada noocan oo kale waxay markasta niyad jab ku yihiin dadka qoxootiga ee rajada ka qabi lahaa inay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News