SO | EN

SO | EN

Xamze oo weerar culus ku qaaday Puntland ugana digay arrin xasaasi ah

|

Muqdisho (Kaab TV)– Ra’iisul Wasaasaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hadalkii ugu adkaa kula hadlay maamulka iyo shacabka Puntland xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo labada dhinac Xamza oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan ee Muqdisho ayaa Reer Puntland uga digay in taariikhda Soomaaliyeed aysan baal madow ugu qormin xilligan R/Wasaare Xamze ayaa si adag u sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn islamarkaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan. 

Waxaa kaloo uu sheegay inay hortaagan tahay in 400 macallin oo ka shaqeynaaya waxbarashada Puntland iyo in deegaanadeeda laga soo qoro askarta dowladda federaalka Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland ee walaalahay ah ma mudnidiin taariikh madoow in Puntland ku qoranto in la yiraahdo dayn cafintii Soomaaliya waa fashilantay yaa fashiliyay Puntland lama qaadan karo taas, waxaan codsaneynaa horumarka iyo siyaasadda in la kala saaro ayuu yiri R/Wasaare Xamze oo shacabka Puntland ka codsaday inay diidaan wixii ka dhan ah arrinta dayn cafinta kana hor-imaadaan ciddii ku lug leh.

R/wasaare Xamze ayaa is weydiiyay cidda mas’uul ka noqon doonta haddii la waayo dayn cafinta Soomaaliya isagoo sheegay in maamullada kale ee dalka ka jira ay ka shaqeeyeen nidaamkii dayn cafinta marka laga reebo Puntland oo diiday inay kasoo qeyb gasho shirarkii gogol xaarka u ah arrimaha dayn cafinta R/Wasaare Xamz ayaa ugu baaqay shacbaka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon inkstoo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni. 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News