Muqdisho (KAAB TV) – Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo maanta ku guuleestay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, Xasan Kheyre ayaana Madaxweynaha la doortay ugu baaqay in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka kooxda Al Shabaab, iyo sidoo kale xasilloonida amniga deegaannada maamulka Jubbaland.
Dhanka kale, Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaana nasiibdarro weyn ku tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya ciidankii qaranka ku daadgureenayaan deegaannada Jubbaland, si ay halkaasi colaad uga abuuraan, waxa uuna ugu baaqay madaxda dowladda in ay joojiyaan hurinta colaada ay wadaan.
”Waxaa nasiibdarro ah in Madaxda Dowladda Federaalku oo uu riixayo damac gurracan ay ciidankii qaranka ku sii daadgureynayaan Jubbaland, si ay colaad uga huriyaan deegaanka. Waxaana ugu baaqayaa in ay degdeg u joojiyaan hurinta colaaddan oo fursad siinayso khawaarijta, halis gelinaysa xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka, sidoo kalena wiiqaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Kheyre.
Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in doorashada saakay ka dhacday magaalada Kismaayo ay jid iyo jiho u yeelayso doorashooyinka dowladda Federaalka iyo dolwad-goboleedyada oo hubanti la’aan ku jiray.
Ugu Dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Koonfur-Galbeed, iyo Hirshabeelle, in ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka dowlad goboleedyada, si uu farayo dastuurka maamuladaasi u degsan.