Muqdisho (KAAB TV) – Xasan Sheekh oo maata lagu wado in uu hortago golaha shacabka labadiisa aqal, ayaa waxaa larajeynaa in uu halkaas ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono guud ahaan xaalada uu haatan dalka kujiro.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lafilayaa in uu soo hadal qaadi doono arrinta badda halka ay mareyso, iyo qorshaha dowladda ugu yaala sidii Itoobiya looga difaaci lahaa badda.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sidoo kale halkaas uu kasheegi doonaa heshiis ay dowladda Soomaaliya lasaxiixatay dowladda Turkiga, heshiiskaas oo difaaca badda Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen uu kuqotomo in dowladda Turkiga ay Soomaaliya usoo dirto ciidamo difaaca badda.
Heshiiskan qarsoodiga ahaa ayaa bilowgii bishan lagu soo kala saxiixday dalka Turkiga, Soomaaliya ayaana waxaa heshiiskan usoo saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac halka dowlada Turkiga kumatalaaya heshiiskan Wasiirka Gaashaandhiga wadankaas.
Heshiiskan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu sii jro doono ilaa muddo 10-sano ay ciidanka badda Turkiga ay kusii joogi doonan badda Soomaaliya.
Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbadiisa inta ay socoto uu soo hadal qaadi doono safarkiisii Addis Ababa oo uu kala kulmay qal qal ammni oo ay kusameeyeen ciidanka ammaanka dowladda Itoobiya.