Muqdisho (Kaab TV)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku howlan tahay soo daabicista lacag Shilling Soomaali ah oo uu dalka uu yeesho ayna hirgelinayaan kahor inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa Madaxweynaha ayaa ballan-qaadkan ka sameeyay kulan dadweyne oo dhawaan uga qeyb-galay magaalada Muqdisho kaaso oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ktirsan villa Somalia.
Wuxuu intaasi kudaray, Aniga markii aan horraantii 2017 dalka ka tagayay waxaan ka tagay ayada oo naqshadii lacagtii la isku raacay oo aan weynay dhaqaalihii aan kusoo daabacan laheyn, waxay u baahan tahay dhaqaale lagu soo daabaco lacagta, sidoo kale waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed ayuu yiri Xasan Sheekh.
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa horraantii sanadkaan ku dhawaaqay qorshe uu ku beddelayo lacagta kaliya ee dalka uu leeyahay Si kastaba, Lacagta shillinka ah ee weli suuqa ku jirta ayaa ah mid aad u duugowday waxaana lagu beddelay lacago dollar ah ama lacago si gaar ah loo daabacay oo intooda badan ah lacago been abuur ah.