Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aaden Maxamed Nuur Madoobe ayaa isku khilaafsan mustaqbalka xukuumadda Xamse cabdi Barre.
Sidoo kale, Xasan Sheekh iyo Aaden Madoobe ayaa lasoo warinayaa in ay ku heshiiyeen in xukuumadda Dan Qaran lagasaaro Wasiir Roobow iyo Wasiir Cabdulqaadir Nuur Jaamac, taas oo uu soo jeediyay Aaden Madoobe, taas badalkeeda isagoo sheegay in haddi uusan qaadin talaabadaas madaxweyne Xasan Sheekh uu Aaden Madoobe soo fasixi doono mooshinka xilka looga tuuraayo RW Xamse.