Garoowe (KAAB) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waqtiga badan la soo galiyay dhamaystirka Dastuurka hadana uu marayo meel gaba gaba ah oo la furi doono.
Xasan Sheikh wuxuu sheegay, wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka in ay dhaqan galayaan marka la gaaro dowladda soo soo socota. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho dastuur rasmi ah.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doona Dastuurka oo soo socday muddo ka badan 10 sano.
“Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”
Dhankiisa R’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in dowladda ay qaado talaabo keeni karta burbur iyo dib u dhaca maadama uu sheegay in lagu degdegayo arrimaha Dastuurka.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay og yihiin in la qaadayo meel aan waddo ahayn sidaas darteeda wax ka bedelka Dastuurka ay u baahan tahay wada tashi iyo wada ogol dhinacyada ah .
Si kastaba waxaa taagan xilligan khilaafka ka dhashay talabaadii Barlamaanka uu ku meelmariyay wax ka bedelka hab raaca Dastuurka , taas oo la rumaysan yahay in ay riixayso Villa Somalia