MUQDISHO (KAAB TV) – Kulanka xalay Villa Somalia kudhex maray madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo guddoonka guddiyada qaabilsan Dastuurka ayaa laga soo wariyay dabacsanaan xaga madaxweynaha iyo isbadelo laisla qaatay oo lagu sameynaayo qaar kamid ah qodobadii maalmahan dooda adag kataagneyd ee Dastuurka.
Mid kamid ah qodobada sida weyn leyskugu hayo ee uu madaxnuhu xalay dabacsanaanta kamuujiyay waa qodobka heykalka dowladanimadda lanaqaato madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen qoodobka ay sida weyn u diidan yihiin shacabka iyo madaxda mucaaradka ayaa lasheegay in guddiga Dastuurka ay talo nooc kale ah ay ka keeneen taas oo ah in kursiga Reysal Wasaaraha sidiisa loo dhaafo balse laga dhigo Reysal Wasaaruhu in uu eryi karo madaxweynaha ama baarlamaanka.
Hada sida uu udhisanyahay qaanuunka Soomaaliya madaxweynuhu wuu magacaabi karaa Reysal Wasaaruhu balse xilka kama qaadi karo, Xasan Sheekh ayaa lasheegay in uu san xalay ku adkeesanin fikirkiisi hore ee ahaa madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen lakiin wuxuu guddiyadu kuyiri kasoo shaqeeya arrimahan lagu dhimaayo awooda Reysal Wasaaraha, iyadoo lagu daraayo in la eryi karo xiliga ladoono Reysal Wasaaraha.
Marka lafiiriyo marxalada Soomaaliya uma wanaagsana in ladhimo awooda Reysal Wasaaraha waxaan hadii midan laqaato meesha kusii dhumeysa isku dheelitirka waxa uuna Reysal Wasaaruhu isku badali doonaa agaasime guud taas oo lidi kunoqon doonta hannaanka awood qeybsiga beelaha iyo madax-banaanida shaqada xafiiska Reysal Wasaaraha.
Qodobka labaad ee uu xalay madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweeyay ayaa ah intirada Xisbiyada laga dhigo 3 Xisbi halka uu markii hore kudheganaa 2 Xisbi lakiin waxaa la aaminsanyahay in wali ay jiraan dad qabo in Xisbiyada laga dhigo 4 ilaa 5 balse marka lafiiriyo waa mid looqaateen ah.
Arrinta hannaanka doorashada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasheegay in uu diiday in uu gorgortan kagalo in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah oo kadhacda dhamaan labada heer dowladeed ee Soomaaliya waxa uuna ku adkeystay in qodobkaas sidiisa loo dhaafo oo uu ahaado doorasho qof iyo cod ah.
Guddiyada Dastuurka ayuu madaxweynuhu xalay faray in ay de dejiyaan howsha Dastuurka ayna kusoo daraan qodobadan waxaan maantaba kulan deg deg ah oo looga doodaya arrimahan kuleh Muqdisho xubnaha labada guddi ee gacanta kuhaaya shaqada Dastuurka.
Dabacsanaanta uu madaxweynuhu kamuujiyay qodobada Dastuurka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay sii xoogeysanyaan cadaadiska gudaha iyo midka caalamkaba ee uu wajahayo madaxweynuhu.
Maamulka Puntland oo xalay qoraal soo saaray ayaa sii daayay digniintii ugu dambeysay waxa ay Puntland sheegtay in aysan qeyb kanoqon doonin qorshaha Dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh oo ay kutilmaameen talo maroorsi, iyagoona dhinaca kale sheegay shaqada socoto in tahay mid lagu sameynaayo Dastuur cusub taas oo ubaahan heshiis bulsho, iyagoona baarlamaanka usheegay in aysan sharciyad uheysanin sameynta Dastuur cusub