MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii safar aan hore loo sii sheegin ku tagay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.
Socdaalka Xasan Sheekh ayaa yimid maalmo ka dib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wafdi u dirtay dalka Itoobiya kaasoo wada hadallo magaalada Addis Ababa kula yeeshay saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Sirdoonka Itoobiya.
Wada hadallada Addis Ababa waxay ka dambeeyeen heshiiskii Ankara, ee uu dhex dhexaadiyay madaxweynaha Turkiga, kaasoo lagu soo afmeeray khilaafaadka diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriiray dhanka badda.
Isbahaysiga Saddex Geesoodka
Heshiiska Ankara waxaa tuhun ka qaba wadamada Masar iyo Eritrea oo u arka mid ka hor imaanaya heshiiskii ay kula jireen Soomaaliya ee ahaa inaan Itoobiya la siinin marin ay u marto Badda Cas.
Cabdulqaadir Idiris oo ah la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa dhowaan warbaahinta BBC u sheegay inaysan raali ka ahayn in Itoobiya la siiyo bad, iyo in heshiiska Ankara uusan u wanaagsaneyn Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in heshiiska Itoobiya lagula galay Ankara uu ahaa “mid lagu deg degey oo mad-madow ku jiro”. Wuxuuna ku goodiyay in Eritrea ka fiirsaneyso inay xiriirka u jari doonto Soomaaliya.
Hadalkan kasoo yeeray masuulka Eritrea ayaa loo qaatay mid hanjabaad ah oo ka dhan ah xukuumadda tabarta yar ee Muqdisho, taasoo hadda dhex muquuraneysa badweyn xoogag quwadaha deriska oo is diidan.
Bayaanka Heshiiska Ankara ayaa dhigaya in Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhisaan guddiyo farsamo oo ka xaajoda arrimaha badda bisha Febraayo 2025, laguna soo afmeero muddo afar bilood gudahood.
Itoobiya ayaa sidoo kale ciidamo ku yeelan doonta hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya ka hawlgali doona bilawga 2025.
Isbahaygsiga Saddex Geesoodka oo ay ku wada jiraan Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa lagu dhisay Asmara, waxaana ujeedkiisu ahaa in looga hor yimaada damaca Itoobiya ee ah gaarista marinka Badda Cas, taasoo dowladaha Masar iyo Eritrea ay halis u arkaan.
Soomaaliya ayaa heshiisyo kala gedisan oo la xiriira dhanka difaaca iyo ciidamasa, oo intooda badan lala wadaagin warbaahinta, la gashay Masar, Eritrea iyo Turkiga.
Sidoo kale Masar ayaa hub iyo dabaabaad siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay xiisad kacsan ay kala dhexeysay Itoobiya.