Muqdisho (Kaab TV) –Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay go,aankii ay madaxda dalalka ay ciidamada kajoogaan Soomaaliya ay kugarab istaageen dalkeena kadib bayaankii kasoo baxay shir Madaxeedkii kadhacay Kampala ee dalka Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka dalbaday madaxda dalalka ay Ciidamada kajoogaan Soomaaliya taageeradooda joogtada ah ilaa ay Soomaaliya si iskeeda u istaageeso, kana gaareyso inta ay lawareegeeso amniga.
Waxaa jeclaan lahaan in aan idiin mahad-celinayo anigoo metalaya dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa la laaban doonaa ka go’naanshaha aan maanta ka muujiseen halkan mudada ka harsan howl-galka. Waxaa xaqiijinaya in kalsoonida noo muujiseen in hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan sida ugu dhaqsaha badan.
Sikastaba shir madaxeedkaan ayaa waxaa martigaliyay madaweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana kaqeeb-galay madax ka kala socotay dalalka ay Ciidamada kajoogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.