SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo ku wajahan Itoobiya iyo Ujeedka safarkiisa

|

Muqdisho (KAAB TV) –Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh ayaa toddobaadkan tegi doona magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qayb-geli doono shirka cimilada ee Afrika, isla markaana uu kulan kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta ilo logu kal soo naankaro.

Madaxweyne xasan ayaa inta uu joogo magalaada Addis Ababa waxa uu kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb galeysa shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.

Safarkaan madaxweynaha soomaaliya ayaa imanaya xilli hoggaanka Itoobiya uu ku cadaadinayo madaxda dowladda Soomaaliya in ay kala qeyb-galaan furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.

Soomaaliya ayaa haatan xiriir wanaagsan la leh Masar, oo iyadu qeyb ka noqotay howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintan.

Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa dhawaan shaaciyay in wada-hadalladii u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsanaa biyo-xireenka Itoobiya ay istaageen, taas oo muujinaysa in aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalladii diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isagoo xusay in Masar ay mar walba ka shaqaynaysay sidii wada-hadalladu u mira dhalin lahaayeen, balse ay ku dhammaadeen is-faham la’aan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News