SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo kulamo laqaatay Saraakiisha Ciidanka Gorgor

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Al-Shabaab uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowladda iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.” ayuu yiri Xassan Shiikh

Dhanka kale, Xasan Sheekh oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah al-shabaab  iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News