Galmudug (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u yimid, garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab kaga dhuumaaleysaneyso dalkeenna.
Dhanka kale, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo
Ugudambeyntii, Kualnka waxaa ka qayb galay, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Agaasimaha Wacyi galinta Bulshada ee Madaxtooyada qaranka.