MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la tacaalaya khilaaf xooggan oo hadda ka dhex taagan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Xasan Eelaay oo hadda ah Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Eelaay ayaa ah musharrax doonaya inuu u tartamo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna dhowaan tagay magaalada Baydhabo halkaas oo sida la sheegay uu ka bilaabay ol’ole siyaasadeed oo ka dhan ah Laftagareen.
Hase ahaatee madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegayaa inuu ciidan hubeysan duldhigay guriga Xasan Eelaay ee magaalada Baydhabo oo ku dhow xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, taasoo keentay in dhaqdhaqaaqii siyaasadeed iyo dadkii soo booqan jiray siyaasigan uu hakad galo.
Ilo wareed ku sugan Baydhabo ayaa Kaab TV u sheegay in Wasiir Xasan Eelaay uu maanta u safray Muqdisho isagoo ka careysan xayiraadda la saaray gurigiisa iyo ol’olihiisa siyaasadeed.
Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaan ka hadlin arrinkan.
Dadka Baydhabo ayaa ka walaacsan in khilaafkan uu keeni karo gacan ka hadal rabshad wata, maadaama ay labada dhinac hubeysan yihiin.
Madaxweyne Laftagareen ayaa isaguna lagu wadaa inuu safar ku yimaado Muqdisho, iyadoo afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay isku dayayaan inay dhex dhexaadiyaan labada nin.
Wasiir Xasan Eelaay ayaa waayadan danbe lagu tirinayay kooxda xulufada Xasan Sheekh wuxuuna dhowaan ku biiray xisbiga cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh sameystay kaas oo loo bixiyay ‘Caddaaladda iyo Wadajirka’.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale dhowaan xafladdii shaacinta xisbiga kaga dhawaaqay inuu xubin ka yahay xisbiga Xasan Sheekh.
Dadka siyaasadda dalka ka faalooda ayaa sheegaya in Xasan Sheekh dhibaatada ugu weyn ee uu wajahayo ay kaga imaaneyso gudaha xisbigiisa oo ay ku soo wada biireen siyaasiyiin is diidan oo ujeedkoodu yahay inay gudaha xisbiga ku kala awood bataan.
Waxaana khilaafka Laftagareen iyo Xasan Eelaay uu noqonayaa bilawga tijaabada isu awood sheegashada kooxda isku-raranka ee xisbiga Xasan Sheekh.
Khilaaf midkan la mid ah ayaa kasoo fool leh Galmudug iyo Hirshabeelle ka dib markii xubno siyaasiyiin is diidan oo deegaanada Hirshabeelle kasoo jeeda ay ku wada biireen xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud si uu mid kasta danihiisa gaarka ugu fushado.