SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in uu kadambeeyo dagaal beeleedka kasocdo Galmudug

|

Garoowe (KAAB TV) – Dagaal udhexeeyo maleeshiyaad kasoo kala jeedo koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug iyo degmada Goldogob ee Puntland oo shalay kadhacay deegaano hoostaga gobolka Mudug.

Sidoo kale, dagaalkan ayaa dhaliyay qasaaro fara badan waxaana wali jira cabsi xooggan oo laga qabo in markale uu dib uqarxo dagaalkan.

Dhanka kale, Wasiirka qorsheynta maamulka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu kadambeeyo dagaalka udhexeeyo labadan maleeshiyo beeleed.

Maxamed Siciid Faroole ayaa sidoo kale tilmaamay in wixii shalay kadhacay deegaanada hoostaga Goldogob ey sameeyen wax uu kusheegay maleeshiyada katimid Galmudug ey bilow utahay dagaal seddexaad.

Ugudambeyn, hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili wali uu jiro qilaaf siyaasadeed oo udhexeeyo dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News