SO | EN

SO | EN

Xasan oo looga digay in uu la safro Wasiirka Gaashaandiga, Tuhunka ku gedaaman koox kale

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tago degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas uu ka bilaabi doono abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee joogta degmooyin katirsan Galgaduud.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh  u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, ayaa uga digay madaxweyne Xasan Sheekh in Hiiraan u wato Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraal uu barta Twitterka (oo hadda lkoo yaqaano X) soo dhigay madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayuu uga digay madaxweynaha in uusan la safrin una kaxeysan gobolka Hiiraan wasiirkiisa gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

“Mudane Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, badbaadadiisa darteed, badbaadinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhowrista qiyamkaaga, ha keenin Maxaas ninkan, shaqaalihiisa iyo kuwa mas’uulka ka ah dhibaatadii Coos Weyne iyo Galacd. Si wanaagsan kuma dhammaan doonto,” ayuu ku yiri qoraalka Waare oo lagu hagaajiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waare ayaa sheegay in taladan uu siinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku jirto danta badbaadinta duulaanka ka dhanka kooxda Al-Shabaab iyo kalsoonida lagu qabi karo madaxweynaha oo abaabulaya dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Dhanka kale, Ergayga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo isla markaasna lagula xisaabtamo saraakiishii ku lugta laheyd weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu qaaday xerooyinka Cowsweyn iyo Galcad .

Hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imaanaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh la filayo in uu gaaro degmada Maxaas, halkaas uu ka bilaabi doono kulamo iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab.

QIYAANADA CIIDANKA

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weeraradii dhowaan lagu qaaday goobaha ay deggaanaayeen ciidamada sida Galcad, Masagawaa, Ceeldheer, Budbud iyo Cows Weyne ay ka dhalatay ka dib markii ay ciidamada awoodi waayeen inay isu gurmadaan, taasoo lagu eedeeynayo inay ahayd qorshe ay fuliyeen Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Nuur Jaamac iyo Mahad Salaad oo ah Taliyaha nabadsugidda NISA oo isagu qeyb weyn ku leh qorshaynta hawlgalka dagaalka socda.

Madah Salaad iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo lagu eedeynayo hagardaameynta ciidamada.

Waxaa sidoo kale jirta go’domin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Ibraahim Sheekh Muxyidiin kaasoo loo diiday inuu toos ugu lug yeesho maamulka iyo isku dubaridka hawlgallada socda.

Tusaale, waxaa dhowaan Taliyaha loo diiday in gebi ahaanba shaqadiisa laga baahiyo warbaahinta ku hadasha afka dowladda, waxaana amarkaasi bixiyay Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Al-Cadaala iyo Cabduqaadir ayaa ah labo nin oo kasoo hartay maamulkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LUNSASHADA SAANAD CIIDAN

Dhanka kale, waxaa markii ugu horreysay saraakiisha ciidanka ay u gudbiyeen Madaxweynaha eedeyn ku saabsan in mudaddii xil kala wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo beddelay Jeneral Odowa Yusuf Raage in la lunsaday saannad tiro badan iyo dhaqaale oo loogu talagalay ciidamada ku jira hawlgalka.

Dhaqaalahan iyo saanadda oo isugu jira lacag caddaan ah, raashiin, shidaal iyo agab kale ayaan la ogeyn meel ay martay, waxaana lagu tuhunsan yahay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo wada horboodayey hawlgallada dagaalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News