MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo muddo kordhin laba sano ah.
Xildhibaan Saadaq Cabdullahi ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu hoos u galay saameynta Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana baarlamaanku uu si waafi ah u xiran yahay muddo ka badan bil.
Wuxuu intaa ku daray in musuq-maasuq uu si weyn u kordhay, iyadoo saraakiisha ciidanka ay noqdeen milyaneero, halka Al-Shabaab ay sii xoogeysatay.

