MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa maanta lafilayaa in saacadaha soo aadan in magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug gaaraan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Sidoo kale, magaalada Dhuusomareeb waxaa ka socda qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa waxaa lafilayaa marka uu gaaro magaalada Dhuusomareeb in kulamo uu la qaadan doono madaxda Galmudug, xildhibaanno iyo wasiirro heer federaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusomareeb.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa Dhuusomareeb u tagaya abaabulka howlgalo la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, waxaana la sheegay in madaxweynaha halkaasi joogi doonto inta howlgalku socdo.
Magaalada Dhoosomareeb waxaa horey ugu sugnaa taliyaha ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Salaad , waxa uuna halkaasi u tagay abaabulka safarka madaxweynaha iyo soo dhaweyntiisa.