GAALKACYO (KAAB TV) – Saraakiil ammaan ayaa noo xaqiijiyay in safar qorsheysnaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud la baajiyay sabab amni darteed.
Degmada Ceelbuur ayaa Jimcihii lasoo dhaafay soo gashay gacanta ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyaadka qabiilka ee deegaankaasi. Al-Shabaab ayaa horey uga baxay Ceelbuur, mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay.
La taliyaaasha Villa Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay uga digeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud halis amni oo weyn haddii uu xilligan aado Ceelbuur. Waxayna kula taliyeen inuu ka baaqsado.
Weli ma cadda in gabi ahaanba safarka la joojiyay, iyo in la beddelay waqtiga safarka.
Saraakiil ciidan ayaa KAAB TV u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weli ku sugan yihiin deegaanada ka baxsan degmada Ceelbuur, ayna halis ku yihiin amniga magaalada.