SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo sheegay tirada ciidamada ATMIS ee laga saaray dalka muddooyinkii lasoo dhaafay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamo badan oo katirsan kuwa nabad ilaalinta u jooga dalkeenna ee ATMIS dalka laga saaray labadii sanno ee lasoo dhaafay, isaga oo xusay iyo kuwa kale oo hor lehna dalka ka bixi doonaan.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in 2-dii sano ee ugu dambeysay dalka qeybo kamid ah laga saaray ilaa 7 kun oo askari oo katirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ah, kuwaas oo meelaha ay ka baxeen lagu wareejiyay ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in sannadka cusub uu bilaaban doono howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo dalalka ka qeyb qaadan doona xulashadooda ay u madax-banaantahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in iyagu rabitaankooda ku imaan doonaan ciidamada cusub ee qeybta ka noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM, waxa uuna xusay in dowladda Itoobiya ciidankeeda aysan qeyb ka noqon doonin howlgalkaasi.

Ugudambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  sheegay in dadka qaar ay qabaan fikirka ah hadii ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan dhulka Soomaaliya ay suuragal tahay in ay qabsadaan ururka Shabaab, waxa uuna xusay in fikirkaasi yahay mid aysan aaminsaneyn dowladiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News