SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo ugu goodiyay Wasiirada inuu ‘daadin doono’ haddaysan meelmarin wax-ka-beddelka dastuurka

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku goodiyay inuu wasiirada daadin doono haddii ay meelmarin waayaan wax-ka-beddelka dastuurka.

Ilo wareed ka tirsan xukuumadda ayaa Kaab TV u sheegay in shirka degdegga ah oo qeybtiisa hore looga hadlay gurmadka daadadka ka dhashay roobabka Elnino, waxaase shirka qeybtiisa labaad si gaar ah looga hadlay karti darriada xubnaha Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha oo uu ka muuqday xanaaq badan, isla markaana aad u daalanaa ayaa xubnaha Golaha Wasiirada iyo Ra’isul Wasaaraha u sheegay in qorshihii xukuumaddiisa ee isagu uu hormuudka u ahaa uu dhaqaaqi la’ yahay, marka laga reebo labo arrimood oo uu isagu ka madaxweyne ahaan har iyo habeen ka shaqeynayey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in barnaamijka deyn cafiska iyo qaadista cunaqabeynta hubka uu isagu ka shaqeynayey, waqti badana ay ka qaadatay. Wuxuu sheegay in hadda meel fiican wax u marayaan.

Balase, wuxuu sheegay in labo arrimood oo kale oo ah la dagaalanka Al-Shabaab iyo wax-ka-beddelka dastuurka qabyada ah ay socon la’ yihiin, wuxuuna ku eedeeyay in Golaha Wasiirada ay noqdeen kuwo “aan waxba ka goynin xildhibaannada baarlamaanka ku metela reer ahaan”.

“Ma rabno in aan idin daadino. Haddii nagula qasbo waa idin daadineynaa, rag kale oo jaakado wata oo bannaanka taagan ayaa idinku bedeleynaa,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay Golaha Wasiirada oo uu dhex fadhiyay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

LABO MID DOORO

Wuxuu doorran-siiyay Golaha Wasiirada inay meel mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax-ka-bedelka Dastuurka ama inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee fadhiyay shirkii Isniintii shalay.

Hadalka madaxweynaha ayaa la xiriira arrinta heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay maamul goboleedyada qaarkood iyo dowladda federaalka ku heshiiyeen dib u dhigista doorashada iyo wax-ka-beddelka nidaamka dowladda.

Heshiiska Madasha ayaa sheegaya in jagada ra’isul wasaaraha meesha laga saaro, oo lagu bedelo madaxweyne ku xigeen, taasoo si weyn ay diidan yihiin xubnaha baarlamaanka.

Ilo wareed ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in xubnaha saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aad u diidan yihiin wax-ka-beddelka nidaamka dowladda, iyadoo siyaasiyiinta qaarkoodna ay dhaliileen in maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland loo ogolaaday muddo kordhin sharci darro ah oo dhalisay muran siyaasadeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News