Mudisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyadda kulan kula yeeshay agaasimaha hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Cindy McCain.
waxay kulankaan diirada ku saareen labada masuul wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida, taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha ay la daala dhaceyso Soomaaliya.
Agaasimaha hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Cindy McCain ayaa dhankeeda bogaadisay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada.
Hasayeeshe Soomaaliya oo xilligaan ku jirta dagaal ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab, ayaa sidoo kale waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.
Inta badan xaaladaha bini’aadantinimada oo ay saameeyn kuyeelato dadka degan xeryaha qaxootiga kuwaas oo an heysan cuno, biyo iyo daryeel caafimaad toona sidoo kale waxaa jira goobihii dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab oo aan wali lagaarsiinin daryeel caafimaad iyo daryeel cuno toona.
WFP ayaa oo ah ha’adda cunada aduunka ayaa Soomaaliya kataagerto dhanka cunada balse dowladda Soomaaliya sidii larabay uma gaarsiiso dadka maatida ah oo kunool xeryaha qaxtooyiyada dalka iyo guud ahaan gobolada dalka.